Home / Arrimaha Bulshada / Iiraan: 28 jirrada aan guursan oo laga qaadayo canshuur adag!

Iiraan: 28 jirrada aan guursan oo laga qaadayo canshuur adag!

Himilo – Dood badan ayaa ka dhalatay hadal uu jeediyay waddaad diimeed u dhashay Iiraan oo ku baaqay in dhallinyarada da’dooda gaartay 28-ka sanno ee aan guursan laga qaado canshuur gaar ah.

Hadalka waddaadka Maxamed Idriisii ayaa dhaliyay mowjad carro ah oo ay muujiyeen dadka isticmaala baraha bulshada Iiraan sida uu baahiyay raadiyaha Faarda.

Waddaadka ayaa warqad uu qoray oo loo gudbiyay baarlamaanka dalkaasi ku sheegay in guurka yahay waajib iyada oo ay tahay in la ciqaabo 28 jirrada aan guursan.

Madaxda Iiraan ayaa had iyo jeer ku booriya muwaadiiniinta guurka iyo dhalmada xilli xaalado dhaqaale oo adag ay ku hareereysan yihiin da’yarta dalkan dhaca Asia.

Maxamed Idriisii ayaa sidoo kale tilmaamay in dhallinyarada aan guursan aan loo dhiibin xilalka sarre ee dowladda ama inay wax ka dhigaan jaamacadaha. Wasiirka arrimaha gudaha Iiraan Cabdi Ridaa Raxmaani ayaa xusay in baaritaannada muujinayaan in tallaabooyinka dowladda in aysan wali kor u qaadin heerka dhalmada dalka

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan