Home / Macluumaad / Imaaraadka oo sharfay darawal aan wax khalad ah gelin muddo 49 sanno ah!

Imaaraadka oo sharfay darawal aan wax khalad ah gelin muddo 49 sanno ah!


Himilo FM – Booliiska Imaaraadka carabta ayaa sharfay muwaadin dalkaasi u dhashay oo ah darawal aanan waligii sameyn khalad intuu uu gaari ku kaxeynayay wadooyinka dalkaasi.

Saciid Raashid Axmed oo 78 jir ah ayaa lagu ammaanay inuusan wax khalad sameyn intuu uu marayay wadooyinka Imaaraadka tan iyo markii la siiyay rukhsadda kaxeynta gaadiidka sanadkii 1969.

Hoggaanka booliiska Imaaraadka ayaa ku tilmaamay ninkaasi inuu yahay darawal lagu deydo oo u hoggaansamay shuruucda wadooyinka ee Imaaraadka carabta.

Booliiska waxa uu sheegay in rukhsadda gaadiid ee Saciid tahay mid nadiif ah oo aan laga calaameyn tan iyo markii uu qaatay sanadkii 1969.

“ Waxa uu ka qeyb qaatay nabadda wadooyinka, waxay tani muujinaysaa sida ay darawalada dalka u wanaagsan yihiin,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray booliiska Imaaraadka.

Mr Saciid ayaa shahaadadii ugu horreysay ee darawalnimo ka helay Kuwait laakiin waxa uu mar kale rukhsad ku qaatay Imaaraadka.

Waxa uu muujiyay dareenkiisa ku aadan sida loo sharfay isaga oo u mahadceliyay maamulka dalkiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan