Home / Macluumaad / Imaaraatka,Mas baajiyay duulimaadka diyaarad.

Imaaraatka,Mas baajiyay duulimaadka diyaarad.

Dubai-Shirkadda duulimaadyadda diyaaradaha ee Emirates ayaa sheegtay in ay baajisay duulimaadka mid kamid ah diyaaradaheeda kadib markii mas laga helay diyaaradda gudaheeda.

Safarka diyaardda oo ka bilaaban lahaa magaalada Muscat ilaa Dubai ayaa afhayeen u hadlay shirkaddu waxa uu sheegay in la joojiyay markii mas weyn lagu arkay qeybta alaabta ee diyaaradda.

Maska waxaa la arkay kahor inta aysan rakaabka korin diyaaradda.

Afhayeenka waxa uu intaa ku daray in maska laga saaray diyaaradda, dadkii diyaaradda ku qornaa ayaana loo warejiyay duulimaad kale.

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates ayaa kamid ah shirkadaha dhinaca duulimaadka ugu weyn dunida, waxayna leedahay 250 diyaaradood.

Dhowr jeer oo hore dunida, waxaa masas lagu arkay diyaarado u diyaar garoobayay duulimaad, waxaa u danbeysay bishii November markii mas lagu arkay gudaha diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyadda Maksiko.

Isha: Radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Hiraal.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan