Imaaraatka,Mas baajiyay duulimaadka diyaarad.

Dubai-Shirkadda duulimaadyadda diyaaradaha ee Emirates ayaa sheegtay in ay baajisay duulimaadka mid kamid ah diyaaradaheeda kadib markii mas laga helay diyaaradda gudaheeda.

Safarka diyaardda oo ka bilaaban lahaa magaalada Muscat ilaa Dubai ayaa afhayeen u hadlay shirkaddu waxa uu sheegay in la joojiyay markii mas weyn lagu arkay qeybta alaabta ee diyaaradda.

Maska waxaa la arkay kahor inta aysan rakaabka korin diyaaradda.

Afhayeenka waxa uu intaa ku daray in maska laga saaray diyaaradda, dadkii diyaaradda ku qornaa ayaana loo warejiyay duulimaad kale.

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates ayaa kamid ah shirkadaha dhinaca duulimaadka ugu weyn dunida, waxayna leedahay 250 diyaaradood.

Dhowr jeer oo hore dunida, waxaa masas lagu arkay diyaarado u diyaar garoobayay duulimaad, waxaa u danbeysay bishii November markii mas lagu arkay gudaha diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyadda Maksiko.

Isha: Radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Hiraal.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan