Home / Cayaaro / Imisa ayay ku bixin doontaa Real Madrid saxiixa Fabian Ruiz?

Imisa ayay ku bixin doontaa Real Madrid saxiixa Fabian Ruiz?

Himilo- Real Madrid ayaa loo maleynayaa inay isu diyaarineyso inay 70 milyan oo Euro xagaaga ugu dhaqaaqdo qadka dhexe ee kooxda Napoli Fabian Ruiz, sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport.

Los Blancos ayaa si joogto ah loola xiriirinayay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain bilihii la soo dhaafay, waxaana ay umuuqataa inay u dhaqaaqi doonaan 23 jirka bisha soo socota ee June.

La Gazzetta ayaa sheegeysa in kooxda reer Spain ay bixin doonto 70 milyan Euro, taasoo madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ay ku adkaan doonto inuu iska diido.

Fabian Ruiz ayaa waligiis ka ahaa xulasho macalinkiisii hore Carlo Ancelotti, laakiin waxaa lagayaabaa inuu gacan bir ah ku qabto macalinka cusub Rino Gattuso.

Gattuso wuxuu hirgaliyay nidaam 4-3-3 ah, iyadoo Allan uu ku jiro qadka dhexe ee seddexda ah.

Nidaamkani kama helayo waxa ugu fiican ee Fabian, oo wuxuu dardargelin karaa bixitaankiisa San Paolo.

Kooxda Napoli ayaa Fabian Ruiz kala soo saxiixatay kooxda Real Betis laba sano ka hor 30 milyan oo Euro.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan