Home / Habka-Nolosha / Imisa Jeer Ayay Ku Guulaysteen Kubbadda Dahabka Xidigaha Barcelona iyo Real Madrid Taariikhda:

Imisa Jeer Ayay Ku Guulaysteen Kubbadda Dahabka Xidigaha Barcelona iyo Real Madrid Taariikhda:

Magaalada Barcelona ayaa lageeyay abaal marintaan in kabadan inta la geeyay casimadda Spain ee Madrid.

Labadaan kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa ah labo kooxood oo caan ku ah abaal marintaan  ayaga ayaa si xariir ah u   hantinayay tan iyo markii uu soo bilaawday xifaaltanka labada xidig ee Lionel Messi iyo C.Ronaldo.

Laga  soo bilaabo 2009kii  markaas oo uu ku guulaystay mucjisada gaaban ee Barcelona Lional Messi waxa ay u muuqanaysay jaa’isadan mid usoo guurtay dalka span gaar ahaan magaalooyin ka Barcelona iyo Real.

Waxaa la rumaysan yahay in sanadkan uu ku guulaysan doono mid kamid ah labada laacib ee Messi Iyo Ronaldo kuwaas oo hadda usharaxan in ka qeyb galaan xafladda lagu bixinayao jaa’isadaan.

Isku gayn abaal marinada ay ku gulaysteen labadaan koox waa 19jeer, kooxda Barcelona ayaana kaga badan kooxda Real Madrid jaa’isadaan, Barcelona waxa ay ku guulaysatay 11 ka mid ah 19ka jeer oo ay  ku guulaysteen kooxdaan halka real Madrid  ay iyana  hanatay 8jeer.

Luis Suarez oo ahaa laacib soo maray Barcelona ayaa ku guulaystay 1960kii  halka uu  Johan Cruyff oo isna ahaa halyey Barca uu ku guulaystay laba mar oo xariir ah kuwaas oo kal ah 1973-1974, Hristo Stoichkov ayaa isna hantiyay 1994-1999kii, Ronaldinho ayaa qaaday 2005 , wixi markaas ka dambeeyay Lionel Messi ayaa Barcelona umatalayay jaa’isadan waxa uuna ku guulaystay 5 jeer oo kala ah 2009-2010-2011-2012-2015.

lix xidig oo katirsan kooxda Real Madrid ayaa iyana ku guulaystay 8jeer abaal marintaan Di Stefano ayaa ku guulaysay 1957, Luis Figo, ayaa isna ku guulaystay 2000, Ronaldo wayne ayaa isna qaaday 2002, Fabio ayaa isna hantiyay 1958-1959 Cannavaro ayaa isna qaaday 2006 halka Cristiano Ronaldo uu ku guulaystay labo mar 2013 iyo 2014.

Labadaan kooxood ayaa todobaadkaan is kaga hor imaan doona ciyaar ka tirsan horyaalka spain taas oo ka dhici doonta garoonka Barcelona ee Camp Nou, Real Madrid ayaa u safraysa godka naarta iyada oo xasuusanaysa lixda dhibcood oo ay ka sarayso Barcelona halka daafaca Barca ee  Gerard Piqué uu todobaadkaan sheegay  in kulankan uu Barcelona u yahay geeri iyo nolol  halka uu sheegay in uu Real Madrid u yaahy kulan caadi ah .

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan