Himilo FM –Inta badan dadka waxay timaha u dhaqaan si maalinle ah iyaga oo adeegsanaya nuucyo kala duwan oo shaambo ah taasi oo kahortagaysa saliidda caafimaadka leh ee timaha u baahan yihiin.
Timaha ayaa kala duwan sidaasi si lamid ah dadka kama mideysna ilaalinta, dhaqida iyo dadaalka laga rabo qofka in uu ku bixiyo timahiisa.
Julian Varrel oo ku taqasusay timaha ayaa sheegay in uusan jirin sharci dhigaya in dhowr jeer la dhaqo timaha maalin kasta balse waxa uu ku talinayaa in aan la isticmaalin shaambada maalin walba.
“Haddii aad isticmaasho shaambada maalin kasta, waxa laga yaabaa inay madaxa ka baabi’iso saliidda timaha u baahan yihiin ama waxay keeni kartaa timaha oo qalala,” ayuu yiri Julian oo u waramay wargeyska Mirror.
Mr Julian ayaa ku talinaya in hal jeer la dhaqo timaha labadii ama seddexdii maalin si loo ilaaliyo dufanta dabiiciiga ah ee muhiimka u ah timaha.
Haddii aad jeceshahay inaad dhaqdo timahaaga maalin kasta waad sameyn kartaa laakiin waa inaad shaambada adeegsan markasta sida uu qabo Julian Varrel.
Ugu danbeyn, khabiirka arrimaha timaha ayaa ku boorinaya dadka inay adeegsadaan shaambada ku habboon timahooda oo ay ku soo baxeyso.