Himilo FM –Baaritaan cusub ayaa muujiyay in dadka Turkida ee jecel shabakadaha bulshada ku xiriirto inay afar saacadood ku qaataan aaladaha lagu xiriiro sida facebook-ga iyo Instagram-ka.
Marka la fiiriyo baaritaanka oo ay sameeyeen shirkadaha Cereyan Medya iyo GfK, 8-dii qof ee kamid ah 10-ka qofood ee dadka Turkida ayaa xisaabaad ama bogag ku leh shabakadaha xiriirka bulshada halkaasi oo ay maalintii ku qaataan afar saacadood oo wakhtigooda ah.
Warbixinta waxaa intaa lagu daray in dhallinyarada gaar ahaan kuwa da’dooda tahay 15 illaa 24 jir inay adeegsadaan warbaahinta bulshada ku dhawaad shan saacadood maalintii.
Baaritaanka oo laga sameeyay 15 gobal oo ku yaala Turkiga ayaa muujiyay in 91% dadka isticmaala shabakadaha xiriirka bulshada inay bogag ku leeyihiin Facebook-ga.
Waxaa la soo wariyay in 88% dadka Turkida inay warbaahinta bulshada u adeegsadaan inay sawirro kula wadaagaan dadka kale halka inkale oo badan u isticmaalaan inay xoggo ka helaan, muuqaallo dhigaan ama ka daawadaan.