Home / Habka-Nolosha / In ka badan 1.4 milyan oo isugu jira barakac iyo qaxooti oo dib ugu laabanaya Siiriya

In ka badan 1.4 milyan oo isugu jira barakac iyo qaxooti oo dib ugu laabanaya Siiriya

Himilo – Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa shaacisay in ku dhawaad 400,000 oo qaxooti Suuriyaan ah ay ka laabteen dalalka deriska ah tan iyo burburkii dowladdii Bashaar al-Asad. Isla muddadaas, in ka badan hal milyan oo qof oo gudaha dalka ku barakacay ayaa iyaguna ku noqday guryahoodii hore, taasoo tirada guud ee dadkii dib ugu laabtay gudaha Suuriya ka dhigaysa in ka badan 1.4 milyan qof.

Hay’addu waxay bilowday qorshe howleed ay ku taageerayso ku laabashada 1.5 milyan oo qaxooti ah iyo 2 milyan oo barakac ku ah gudaha sanadka 2025. Si kastaba, illaa hadda UNHCR waxa ay heshay kaliya $71 milyan oo ka mid ah $575 milyan oo loo baahan yahay si loo hirgeliyo barnaamijyadeeda gudaha Suuriya.

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda ayaa sheegtay in tirada dadka la filayo inay ku laabtaan dalkooda ay hoos u dhici karto haddii la waayo maalgelin ku filan. Waxaa sidoo kale la sheegay in qaar ka mid ah dadka ku noqday dalka ay markale dib u barakici karaan haddii aysan helin taageero ku filan.

UNHCR ayaa muujisay in 16.7 milyan oo qof oo ku nool gudaha Suuriya — oo ah ku dhawaad 90% shacabka — ay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo, iyadoo 7.4 milyan oo kalena ay weli yihiin barakaca gudaha ku sugan.

Dagaalkii Suuriya ayaa barakiciyay in ka badan kala bar dadkii dalkaasi deganaa kahor dagaalka. In ka badan 5 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah ayaa wali ku nool dalalka dariska sida Turkiga, Lubnaan, Urdun, Ciraaq iyo Masar. Howlgallada bini’aadanimo ee gobolka ayaa sidoo kale wajahaya dhaqaale xumo ba’an, taasoo khatar ku ah xaaladda dadka dib ugu noqday dalkooda iyo bulshada martida loo yahay.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan