Home / Haweenka / In ka badan 40 qof oo ku dhimatay dhul ay macdan ka qodayeen dalka Mali.

In ka badan 40 qof oo ku dhimatay dhul ay macdan ka qodayeen dalka Mali.

Himilo- Afartan iyo Sadax qof oo u badan haween ayaa dhintay kadib markii godad ay macdan ka qodayeen uu ku dumay galbeedka Mali, sida uu sheegay madaxa ururka warshadaha macdanta.

Shilka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Kenieba ee gobolka macdanta hodanka ku ah ee Kayes, sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Taoule Camara, oo ah xoghayaha guud ee ururka qaranka ee qodayaasha iyo sifeynta dahabka (UCROM).

Haweenka ayaa hoos ugu degay godad furan oo ay ka tageen shirkado macdanta qoda iyaga oo raadinaya dahab haray, markaas ayaa dhulku ku dumay, ayuu yiri Camara.

Afhayeen u hadlay wasaaradda macdanta ayaa xaqiijiyay in shilku uu ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Kenieba iyo Dabia, balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin maadaama kooxaha wasaaraddu aysan weli soo gudbin warbixintooda.

Macdan qodista sharaci darada ah waxay caadi ka tahay Galbeedka Afrika, waxaana ay noqotay mid faa’iido badan leh sanadihii u dambeeyay sababo la xiriira baahida sii kordhaysa ee biraha.

Shilalka dhimashada keena waa wax caadi ah maadaama qodayaasha macdanta aysan isticmaalin habab sharciyeysan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan