Home / Arrimaha Bulshada / Indonesia: Booliis mas ku cabsi geliyay maxbuus si uu qiraal u sameeyo

Indonesia: Booliis mas ku cabsi geliyay maxbuus si uu qiraal u sameeyo

Himilo FM –Dalka Indonesia, muuqaal argagax leh ayaa muujiyay xubno katirsan booliiska oo si xun u ciqaabaya maxbuus iyaga oo ku hareereeyay mas dheer.

Wararka ayaa tilmaamay in xubnaha booliiska Indonesia inay naxdin iyo argagax badan ku abuureen maxbuuska iyaga oo aan fiirineyn cabsida uu ka qaaday maxbuuska maska dhirirkiisu yahay labo Mitir.

Dhinaca kale, booliiska maxaliga ah ayaa ka cudur daartay waxa dhacay, waxayna sheegeen in maska uusan laheyn sun.

Waxaa ka dhashay muuqaalka doodo badan oo la xiriira xuquuqda aadanaha, dad u dhaqdhaqaaqa ayaa sheegay in sharciga oggol yahay in qofka la maxkamadeeyo iyada oo aan wax jirdil ama dhibaato kale lagula kicin.

Dad ka faallooday sheekada ayaa sheegay waxa dhacay in lagu tirin karo dhaqan cunsurinimo ah oo ka dhan ah dadka deggan deegaanka Papua ee dhaca bariga dalkaasi.

Booliiska ayaa xaqiijiyay inay tallaabooyin ka qaadeen xubnaha ku lug yeeshay ee mas ku cabsi gelinayay eedeysanaha si uu qiraal u sameeyo.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan