Home / Macluumaad / Indonesia: Dadka aanan u hoggaansamin bandowga oo loo helay xal layaab leh!

Indonesia: Dadka aanan u hoggaansamin bandowga oo loo helay xal layaab leh!

Himilo – Ka daalista in dadka lagu amro inay guryahooda ku negaadaan inta lagu jiro bandowga socda ee lagu horjoogsanayo faafista xanuunka Covid-19, siyaasi ku nool jazaiiradda Java ee dalka Induniisiya ayaa soo jeediyay tallaab la-yaab iyo cabsi leh.

Kuwa jebiya amarka lagu soo rogay oo ka dhega-adeyga inay guryahooda isku karantiilaan, waxaa lagu xirayaa qolal mugdi ah oo sidoo kale la rumeysan yahay in Jinnigu ku nool yahay kuwaas oo mar hore looga haajiray cabsi aawadeed.

Kusdinar Untung Yuni Sukowati ayaa la yimid aragtidan si kuwa sahashada baaqa dowladda loo mariyo ciqaab nafsi ah si kuwa kale ay ugu tusaale qaataan.

Tallaabada ayaa timid kaddib markii Sukowati uu arkay dad badan oo xilliga bandowga lagu jiro aan u hoggaansameyn amarka dowladda.

Si haddaba loo hubsado in qofna uusan sharciga ku xad-gudbin, waa markii ay timid fikradda in qolalka guryaha laga haajiray waqti hore lagu xareeyo qofkii la arko isaga oo xilliga bandowga bannaanka jooga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan