Home / Haweenka / Indonesia: Guurka gabar 27 jir ah iyo oday 83 jir ah oo ay dood ka dhalatay!

Indonesia: Guurka gabar 27 jir ah iyo oday 83 jir ah oo ay dood ka dhalatay!

Himilo –Sheekada jaceyl ee gabar 27 jir ah oo guursatay 83 jir ayaa noqotay tan loogu hadal-heynta badan yahay Gobalka Java ee dhaca bartamaha dalka Indonesia.

Inkastoo dood adag ka dhalatay farqiga xagga da’da ah ee u dhaxeeya lamaanaha haddana gabadha da’da yar ayaa xustay inay jeclaatay ninka markii ugu horreysay oo ay aragtay.

Nuraeni ayaa markii ugu horreysay la kulantay Sudirgo oo 83 jir ah bishii July ee tagtay xilli ay booqasho u raacday waalidkeed oo tagay guriga ninka da’da ah ee ku yaalla Desa Jatilaba.

Jaceylka ay sheeganayso gabadha yar ayaa soo billowday xilligaasi iyadoo markasta dadaal ku bixinaysay booqasho kasta oo ay ku tagi karto guriga ninka oo awoowe u ah siddeed carruur ah.

Waxay xilli walba ka codsan jirtay in uu soo booqdo guriga qoyskeeda iyadoo gabadha ay ka muuqdeen astaamaha jaceylka.

Ninka ku jira da’diisa siddeetanka ayaa xusay in uusan marnaba ku fekerin xiriir jaceyl sabab ku qotonta da’diisa fog. Si kasta, waxay mar danbe ku heshiiyeen inay isguursadaan.

Waxaa jiray walaac badan oo labada dhinac ka qabeen aqbalaada waalidka gabadha hase ahaatee si fudud ayay u oggolaadeen xiriirka guur ee gabadhooda.

“ Haa, dhabtii carruurta ninkeyga ayaa I weydiiyay sababta aanan u raadin qof da’deyda ah, laakiin waxaan u sheegay in aan jeclahay Sudirgo,” ayay tiri Nuraeni

Sheekada guurkan ayaa noqotay tan ugu badan ee laga hadal-hayo Indonesia iyadoo u kala qeybisay bulshada labo qeybood.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan