Home / Habka-Nolosha / Indonesia oo abaal-marin siineysa qofkii qoorta yaxaas ka soo saara taayar mooto

Indonesia oo abaal-marin siineysa qofkii qoorta yaxaas ka soo saara taayar mooto

Himilo – Maamulka gobal ku yaalla dalka Indonesia ayaa u ballan qaaday abaal-marin qof kasta oo leh geesinimo ku-filan oo uu qoorta yaxaas kaga soo saarayo taayar mooto.

Sida laga soo xigtay wakaalada Indonesia, yaxaaska oo dhiririkiisu yahay 4 Mitir ayaa la arkay isaga oo taayar uu qoorta kaga duuban yahay markii ugu horreysay sannadkii 2016-ka.

Yaxaaska ayaa la soo warinayaa in uu ka badbaaday dhulgariir iyo Tsunami ku dhuftay gobalka Central Sulawesi sannadkii 2018-ka.

Toddobaadkan, xafiiska ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee gobalka ayaa ku dhawaaqay tartan ujeedkiisa yahay in xurriyad lagu siiyo yaxaaska iyada oo laga baqayo in uu neefsan waayo.

Wakaalada Indonesia ayaa shaacisay inay jiri doonto abaal-marin la siinayo qof kasta oo badbaadiya yaxaaska quusta ku dhaw balse ma caddeyn nuuca abaal-marinta.

Waxaa xusid mudan in dhowr jeer oo hore dadaallo la sameeyay si lo badbaadiyo yaxaaska ay fashil ku soo dhammaadeen.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan