Himilo FM –Madaxweynaha Indonesia ayaa go’aansaday in caasimadda dalkaasi laga wareejiyo magaalada Jakarta iyadoo laga dhigayo magaale kale oo isla jasiiradda ku taalla.
Magaalada rasmiga ah ee loo caleema saarayo caasimadda ayaan wali laga qaadan go’aan hase ahaatee waxay qaadan kartaa muddo 10 sanno ah in la dhaqan geliyo sida uu sheegay wasiirka qorsheynta Indonesia Bambang Brodjonegoro.
Ku dhawaad 10 Milyan oo qofood ayaa ku nool caasimadda Jakarta. Jasiiradda Java ayaa ah midda afaraad ee ugu weyn dalkaasi iyadoo marti gelisa inka badan 140 Milyan oo qofood oo ah kala bar dadka Indonesia.
Magaalada Palangka Raya oo katirsan jasiiradda Borneo ayaa loo qaadan karaa caasimadda cusub oo ay yeelanayso Indonesia. Waa magaalo ka weyn Jakarta iyadoo ay ku yartahay khatarta dhul gariirka iyo musiibooyinka kale.
Aragtida ah in la beddalo caasimadda Indonesia ayaa la soo jeedinayay dhowr sanno.
Madaxweyne Joko Widodo ayaa u muuqda in uu qanciyay shacabka dalka iyo kooxaha u ololeeya arrimaha deegaanka.
Dalal badan ayaa goor sii horreysay ka guuray caasimaddo sida Nigeria, Brazil, Myanmar, Russia, iyo Pakistan.