Home / Arrimaha Bulshada / Induniisiya – Qashin ku beddelo Ceymis Caafimaad oo bilaash ah.

Induniisiya – Qashin ku beddelo Ceymis Caafimaad oo bilaash ah.

Muqdisho – Si dadka loogu muujiyo in daryeelka aas’aasiga ah ee caafimaadka uusan qaali noqon karin iyo in qashinku uu leeyahay qiimo sarreeya, hal-abuur da’yar Induniisiyan ah ayaa la yimid fikrad mira-dhal ah oo dadka saboolka ah u sahlaysa inay baahida caafimaad oo ay qabaan iskaga bixin karaan qashinka.

Ceymiska lagu magacaabo Garbage Clinical Insurance oo uu yagleelay da’yar Induniisiyan ah oo la yiraahdo Jamal Albinsaid, laga yaabee inay kuula muuqato mid aan taaba-gal noqon karin muddo fog, hayeeshe toddobadii sano ee lasoo dhaafay way howl-galayeen. Waxaana tallaabadooda ku deyday shirkado badan oo dalka Induniisiya oo dhan hadda ka dhaqan-geliyay.

Albinsaid, oo ah maareeyaha hey’adda ceymiska caafimaadka Induniisiya ee Medika, wuxuu helay Garbage Clinical Insurance sanadkii 2010 markii uu ahaa 21 sano jir. Barnaamijku wuxuu ku dhashay wax ka baxsan k-tala-galka hal-abuurka da’yarta taas oo ah yaraanta qoondada ama miisaaniyadda dhanka caafimaadka ee dowladda. Waxaana ay naawilayeen in kuwa saboolka ah ay siiyaan waddo kale oo ay iskaga bixin karaan ceymiska caafimaadka. Waxaa la qiyaasay in 60% dadweynaha Induniisiya aysan ku jirin ceymiska – waayo ma awoodaan inay iska bixiyaan, balse waxaa jira hal mid oo qof kasta uu heli karo – qashinka.

“Waxaa jira dad aan isbitaallada aadi karin lacag la’aan awgeed. Sidaas darteed, waxaan bilaabay ka fikirka haddii aadan lacag heysan, maxaad heli kartaa?,” ayuu yiri Jamaal. “Waxaa jira qashin meel walba tuban, waxaana go’aansannay inaan u adeegsano sida il maaliyadeed.”

“Dalkeenna waxaa ku nool 250 malyuun, hayeeshe 60% ayaan heli karin wax ceymis caafimaad ku lug leh….isla waqtigaas, magaalo sida Malang-adeenna waxay soo saartaa 55,000 tan oo qashin ah maalin walba, kala bar ayaana laga ururiyaa,” ayuu hal-abuurahan da’da yar u sheegay The Guardian. Sidaas darteed, fikraddiisu waxay xalinaysaa laba mushkiladood – ceymis caafimaadka iyo wasaqda – mar qura.

Si loo gaaro adeeggooda caafimaad, xubnaha katirsan Garbage Clinical waxay u baahan yihiin inay ururiyaan 3 kilogaram oo qashin ah bil walba oo ay ku jiraan; bacaha, biraha, iyo kuwa kale ee la bacrimin karo. Tani waxay qiimo ahaan isugu tagaysaa lacag dhan 11,750 rupees oo u dhiganta 90$ – waxayna ku filan tahay in lagu helo daweyn bilaash ah.

Shirkaddu waxay sidoo kale leedahay koox samafalayaal ah kuwaas oo dadka bara nuuca qashin oo ay raadin karaan iyo dallaaley u kala adeegta danleyda caafimaadka iyo isku dubbaridayaasha.

Tirada macmiisha gaaraysa 2,000 ee naadigan waxay adeeg caafimaad oo bilaash ah ka heli karaan saddexda xarumood ee ururka – laba ku taalla Malang, East Java iyo mid ku dhow caasimadda Jakarta.

“Horraantii dadku waxay moodi jireen in qashinku yahay qiimo la’aan, daryeelka caafimaadkuna qaali, hayeeshe hadda waxay arkaan in qashinku yahay qaali, daryeelka caafimaadkuna uusan aad u hayn mid aan la goyn karin,” ayuu yiri Albinsaid.

Si kastaba, maareynta adeeg kan oo kale ah waa mid caqabado badan. Ka ilaalinta inaysan noqon mid hakata dabcan waa mid kamid ah arrimaha ugu waaweyn ee Jamaal uu lasoo fal-galay toddobadii sano ee lasoo dhaafay.

Garbage-Clinical-Insurance  Garbage-Clinical-Insurance3-750x422

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan