Home / Caafimaad / Ingiriiska: 13 Milyan qofood ayaa la nool buurnaanta darran

Ingiriiska: 13 Milyan qofood ayaa la nool buurnaanta darran

Himilo- Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday tirada dadka buuran ee dalka Ingiriiska oo korortay 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

Xoggaha ayaa muujinaya in 13 Milyan qofood oo Ingiriis ah inay ka cabanayaan buurnaanta darran, waa inka badan heerka sannadkii 1997-dii.

Khubarada caafimaadka ayaa ku tilmaamay kororka “dhibaato weyn” iyaga oo baqdin ka muujinaya khataraha ka dhalan kara cayilka badan sida xannuunada wadnaha iyo macaanka.

Baaritaanka waxa uu imaanayaa xilli hay’adda caafimaadka qaranka Ingiriiska daabacday warbixin tilmaamtay in dowladda kharash badan ku bixisay dawada cudurka macaanka nuuciisa labaad.

Madaxa hay’adda caafimaadka Ingiriiska ayaa xusay inay jiraan xaalado badan oo ah xannuunada ka dhasha buurnaanta darran gudaha Ingiriiska.

Sida ku xusan xogta, 29% dadka qaangaarka ah ee Ingiriiska ayaa ka cabanaya buurnaanta xad dhaafka ah oo saameyn ku leh hab-nololeedkooda caafimaad.

Tani waxay ka dhigan tahay in Ingiriiska uu noqday dalka ugu badan galbeedka Yurub oo dadkiisa la nool yihiin cayilka darran.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan