Home / Dhaqaale / Ingiriiska: Bilyuneer doonaya buur uu iibsado!

Ingiriiska: Bilyuneer doonaya buur uu iibsado!

Himilo FM –Haddii ay jirto buur aad leedahay oo aad dooneyso inaad iibiso, waxaad heshiis la gali kartaa bilyuneer doonaya buur uu iibsado isaga oo ku sawiraya wajiyada qoyskiisa.

Bogga HushHush.com ee ka shaqeeya hantida guryaha lagu raaxeysto ayaa daaha ka qaaday in nin bilyuneer ah uu soo gaarsiiyay codsi layaab leh oo ah inuu raadinayo buur ku taalla UK oo uu rabo inuu si farshaxan ah ugu sawiro wajiyada xubnaha qoyskiisa.

Suuqa HushHush ayaa sheegay in ninka uu u baahan yahay buur ku filan in wajiyada qoyskiisa iyo qaraabada xaaskiisa lagu sawiro. Lacag dhan 15.5 Milyan oo doolar ayuu ku bixinayaa heshiiska buurta.

Waxaa kale oo intaa dheer in uu miisaaniyad gaar ah u qoondeeyay koox khubaro ah oo buurta ku sawiri doona wajiyada qoyska.

Waxaa la soo warinayaa in liiska guryaha iibka ah ee HushHush inaysan kamid aheyn buur beec ah hase ahaatee maadaama uu codsiga ka yimid nin bilyuneer ah waxaa loo arkaaa mid mudan tixgelin gaar ah.

Aaron Harpin oo ah aas-aasaha iyo madaxa fulinta HushHush ayaa u sheegay wargeyska Metro inay bandhigeen codsiga ninka ee layaabka leh.

“ Way cadahay, wuxuu sameeyay baaritaan u gaar ah, inkastoo aanan heyn buur beec ah oo ku taalla UK haddana waxaan u bandhignay dadweynaha,” ayuu yiri Aaron

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan