Himilo FM –Midowga Ingiriiska ee ganacsiga tamarta ayaa sheegay in ku dhawaad 21 Milyan oo qofood inay la nool yihiin sunta gaaska CO2, waxaana sababta lagu sheegay in inta badan guryaha Ingiriiska aan laga helin qalabka bixiya digniinta hore ee gaaska CO2.
Midowga Ingiriiska ee ganacsiga tamarta ayaa tilmaamay in 94% oo kamid ah 21-ka Milyan inay khatarta ugu jiraan gaaska darran iyada oo uusan jirin qalab u digaya.
Daraasada uu sameeyay midowga ayaa muujisay in marka la gaaro xilliga qabowga inay dadka ugu badan yihiin isticmaalka gaaska iyaga oo aan adeegsaneyn qalabka loogu tala galay.
Baaritaanka kaddib, olole cusub ayaa laga bilaabay Ingiriiska oo hal-ku-dheg looga dhigay “ Digtoonow” waxaana dadka lagu boorinayaa inay iibsadaan qalabka u gaarka ah gaaska CO2 oo aan ka badneyn 18 doolar.
Waxaa looga dan leeyahay ololahan in looga fogaado dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha gaaska CO2 oo lagu qiyaasay inay u dhintaan sannadkii 4000 oo qofood.