Home / Caafimaad / Ingiriiska: Oggow sababta ay u dhintaan 70 kun oo qofood sannad kasta

Ingiriiska: Oggow sababta ay u dhintaan 70 kun oo qofood sannad kasta

Himilo FM –Daraasad la sameeyay dhawaan ayaa daaha ka qaaday in fadhiga joogtada ah iyo dhaqdhaqaaq yarida badan sabab u yihiin dhimashada 70 kun oo qofood gudaha dalka Ingiriiska sannad kasta.

Khubarada ayaa ka digay in Ingiriiska uu ku tiirsan yahay dhaqaale ku dhisan fadhi iyadoo inta badan dadka shaqeeya fadhiyaan xafiisyada wakhtiyo badan.

Ku dhawaad 30% dadka Ingiriiska ayaa lix saacadood ku qaata fadhi maalin kasta oo kamid ah toddobaadka.

Waxaa la yaab leh in xilliyada fasaxa in tirada noqonayso 37% iyadoo koror laga dareemayo heerka wahsiga sida laga soo xigtay baaritaanka cusub.

Baarayaasha ayaa bixiyay digniin ku saabsan khatarta wahsiga ama caajiska iyagoo sheegay inuu keenayo cudurrada wadnaha, macaanka nuuca labaad iyo kansarka.

Daraasada lagu daabacay majaalada BMJ ayaa la xiriirisay fadhiga badan cudurro khatar ah sida macaanka iyo cudurrada wadno xanuunka.

Leonel Hierwen oo hoggaaminayay baaritaanka ayaa xusay in dhaqanka fadhiga badan uu horseeday dhimashada 70 kun oo qofood sannadkii 2016.

Waxa uu baaritaanka imaanayaa xilli laga digay kororka caajiska ama wahsiga ee bulshada dalka Ingiriiska.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan