Home / Habka-Nolosha / Ingiriiska: Oggow sheekada ka danbeysa xariga haweenay 104 jir ah!

Ingiriiska: Oggow sheekada ka danbeysa xariga haweenay 104 jir ah!

Himilo FM –Booliiska dalka Ingiriiska ayaa xeray haweenay 104 jir ah oo aan gelin wax danbi ah nolosheeda hase ahaatee tallaabada lagu xeray waxaa ka danbeysa sheeko xiiso leh.

Wargeyska “ Bristol Post” ayaa goor sii horreysay qoray in  Anne Brokenbrow oo ku nool xarun lagu xanaaneeyo dadka waaweyn inay dooneyso inay rumeyso mid kamid riyooyinkeeda ugu danbeeya oo ah inay xabsi gasho si ay u soo tijaabiso noloshiisa.

Warqad ay qortay haweenayda ayay ku sheegtay inaysan sameyn wax danbi ah oo khilaafsan sharciga nolosheeda islamarkaana ahayd muwaadin u hoggaansama sharciga.

Waxay intaa raacisay inay hadda xiiseynayso in booliiska xeraan islamarkaana dhigaan xabsi iyadoo 104 jir ah si ay u soo tijaabiso nolosha halkaasi ka jirta.

“Da’deyda waa 104 jir, waxaan markasta ahaa muwaadin u hoggaansama sharciga, waxaan hadda doonayaa inaan arko baalka madow ee nolosha,” ayay qoraal ku tiri Ms Anne.

Farriinta haweenayda waxay ku qortay warqad guud oo loogu tala galay in dadka da’da ah lagu weydiiyo riyada ay jeclaan lahaayeen inay rumeeyaan hase ahaatee codsiga haweenayda ayaa noqday mid dad badan la yaabeen.

Booliiska ayaa u muuqda inay haweenayda da’da ah u rumeeyeen riyadeeda iyaga oo dhigay xabsi laakiin waxaa la siinayaa xannaano gaar ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan