Home / Deegaan / Ingiriiska oo ka maarmaya gaadiidka hawada wasaqeeya sannadka 2040

Ingiriiska oo ka maarmaya gaadiidka hawada wasaqeeya sannadka 2040

Himilo FM – Ingiriiska ayaa maanta oo isniin ah ballan qaaday inuu ka hortagayo wasaqda hawada isaga oo ka dejinaya sharci cusub oo la xiriira tayada hawada oo kharash badan uu ku baxayo.

Xukuumadda Ingiriiska ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay oo dhaqaalihiisa uu xooggan yahay oo sameysta yoolal ku qotoma hawo nadiif ah oo halbeeg looga dhigo tallooyinka hay’adda caafimaadka adduunka.

Micheal Joff oo ah wasiirka degaanka Ingiriiska ayaa qoraal ku sheegay in wasaqda hawada tahay sababta dhibaateysa carruurta lagana qaadan doono tallaabo deg degg ah.

Xukuumadda Ingiriiska ayaa sannadkii hore waxay ku dhawaaqday qorshayaal lagu dhimayo wasaqda gaadiidka iyo diyaaradaha ku sii daayaan hawada. Waxaa intaa dheeraa in gaadiidka looga maarmi doono tareenada oo ku shaqeeya Diesel-ka marka la gaaro sannadka 2040.

“ Kumanaan qof ayaa u dhinta sannad kasta wasaqda hawada ay ku neefsadaan,” ayuu yiri Simon oo madax u ah hay’ad fadhigeedu yahay dalkaasi.

Waxa uu intaa raaciyay in dowladda looga baahan yahay inay dejiso qorshayaal cad oo lagula tacaalayo khatarta hawada wasaqeysan ee Ingiriiska.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan