Home / Arrimaha Bulshada / Ingiriiska oo laga mamnuucayo shabakadaha xiriirka bulshada
Kiev, Ukraine - October 17, 2012 - A logotype collection of well-known social media brand's printed on paper. Include Facebook, YouTube, Twitter, Google Plus, Instagram, Vimeo, Flickr, Myspace, Tumblr, Livejournal, Foursquare and more other logos.

Ingiriiska oo laga mamnuucayo shabakadaha xiriirka bulshada

Himilo FM – Shabakadaha xiriirka bulshada ayaa laga yaabaa in laga mamnuuco Ingiriiska haddii aysan waxba ka qaban inay ka saaraan markasta waxyaabaha la soo dhigo ee khatarta ah sida uu sheegay xoghayaha caafimaadka dalkaasi.

Wasiirka ayaa goor sii horreysay ugu baaqay shabakadaha xiriirka bulshada inay ka saaraan wax kasta oo dhiira gelinaya waxyeelo qofeed ama in qofku ismiidaamin sameeyo.

Molly Russell oo 14 jir ah ayaa ka taqalustay nolosheeda sannadkii 2017 kaddib markii ay daawatay muuqaallo argagax lahaa oo ku jiray shabakadaha xiriirka bulshada.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta, Aabaha dhalay gabadha geeriyootay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Instagram uu sabab u yahay inay dhimato gabadhiisa. Shabkadda Facebook-ga oo leh Instagram ayaa xustay inay ka xun tahay geerida gabadha.

Waxay sidoo kale shaacisay shirkada in dhigaalada khatar gelinaya nafta ama keenaya ismiidaamin inaysan wax boos ah ku laheyn shabakadda.

Papyrus oo ah hay’ad ka shaqeysa kahortagga ismiidaaminta dhallinyarada ayaa sheegtay inay la soo xiriireen 30 qoys oo tilmaamay in warbaahinta bulshada saameyn ku leedahay ismiidaaminta carruurtooda.

Warqad loo diray shirkadaha maamula warbaahinta bulshada ayaa xoghayaha caafimaadka Ingiriiska waxa uu ku sheegay in tallaabooyin wanaagsan la qaaday laakiin waxa uu yiri waxaa loo baahan yahay kuwa deg deg ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan