Home / Arrimaha Bulshada / Ingiriiska: Qoys ku guuleystay baqtiyaa nasiib $145 Milyan

Ingiriiska: Qoys ku guuleystay baqtiyaa nasiib $145 Milyan


Himilo FM – Dalka Ingiriiska, lamaane ayaa ku guuleystay  baqtiyaa nasiib ku fadhiya qiimo lacageed oo dhan 145 Milyan oo doolar iyadoo lala yaabay tallaabada xigtay oo ay sameeyeen qoyska.

Lamaanaha oo ku nool gobal dhaca waqooyiga Ireland ayaan rumeysan marnaba inay sannadka cusub ee 2019 guda gali doonaan iyagoo leh hanti gaaraysa 145 Milyan oo doolar.

Baqtiyaa nasiibka weyn waxaa nasiib u yeeshay ganacsadaha Patrick Connolly iyo xaaskiisa Frances oo ah macallimad.

“Waxaan fadhinay muddo dheer innaga oo aamusan, ma aanan aaminin inaan guuleysanay, waan garan weynay wax aan sameyno,” sidaasi waxaa yiri Batrick.

Guuleystayaasha ayaa sheegay inay labo koob oo shaah cabeen islamarkaana qorteen liiska magaco dadeed oo la qeybsanaya lacagta markii lagu dhawaaqay guushooda. Waxay intaa kaddib u dhaqaaqeen jiifka iyagoo aan sameyn dabaal dag dheeraad ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan