Muqdisho – Xiddiga Barca, Andres Iniesta ayaa wali leh riyadiisa ah inuu ciyaaraha ku dhameysto kooxda La Liga, wuxuuse qirtay in ka tegi karo.
Iniesta oo 33-jira ayaa heshiiskiisu wuxuu ku eg yahay bartamaha sanadka 2018 – mustaqbalkiisuna ma ahan mid la go’aamiyay xilli uu kaliya 13 kulan u saftay naadiga xagaagan.
Hayeeshe, xiddigan qadka dhexe ayaa sheegay in wali damaciisu yahay inuu ciyaaraha ku dhameysto Barcelona oo ah koox uu kusoo biiray isaga oo 12 jir ah.
“Waxaa wali ii harsan waqti heshiis. Waxaana jeclahay inaan sanadka xiga sameyno horumar sarreeya,” ayuu yiri. “Riyadaydu mar walba waxay aheyd mid aan is badalin. Waana inaan ku dhameysto ciyaarahayga Barcelona.”
“Hayeeshe, dabcan waxaa jiri karaa suura-galnimo ah inay wax is badalaan.”