Home / Arrimaha Bulshada / Inkabadan 550 qof oo kuleel dartii ugu geeriyooday Xaram-ka

Inkabadan 550 qof oo kuleel dartii ugu geeriyooday Xaram-ka

Himilo – Boqolaal qof oo kamid ah xujeyda sanadkan ee gudanaye waajibaadka xaramka ayaa u geeriyooday kuleelka daran ee boqortooyada Sacuudiga kajiray.

550 qof oo xujey ah ee xaramka ku geeriyootay 312 kamid ah waxay u dhasheen dalka Masar badankoodna waxay u geeriyoodeen xanuunu iyo kuleelka daran ee Macca ka jira. Halka 35 kalane ay u dhasheen dalka Tunisia.

Warbaahinta Boqortooyada Sacuudiga waxay tabisay heer kulka Macca in uu gaaray 51.8 degree

Dadka badankood waxay u geeriyoodeen kuleelka sida qeybo kamid ah eheladoodu ay sheegeen.

Wasaarada arimada dibadda boqortooyada Jordan waxay xaqiijisay inay geeriyoodeen 41 qof oo Jordanian ah halka 11 ay ka soo jeedaan Iran.

Sadax muwaadin oo Senegalese ah ayaa sidoo kale dhintay intii lagu jiray Xajka, sida dowlada Senegal ay sheegtay. halka 144 muwaadin Indonesian ah ay dhinteen intii lagu jiray gudashada waajibaadka xajka, xogta wasaaradda caafimaadka Indonesia ayaa muujisay Talaadadii

Xajka ayaa ah mid sanadle ah oo malaayiin Muslimiin ah ay u aadaan Maka si ay u gutaan cibaado Diiniga ah.

Xajka oo ah mid ka mid ah isu imaatinnada ugu waaweyn adduunka, ayaa ah mid hal mar waajib ku ah dadka muslimiinta ah ee awooda in ay iska bixiyaan.

In ka badan 1.8 milyan oo xujey ah ayaa sanadkan ka qeyb galay, sida ay sheegtay hay’adda tirakoobka ee Sacuudiga.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan