Home / Cayaaro / Inter Milan oo diyaar u ah inay iska iibiso Ivan Perisic

Inter Milan oo diyaar u ah inay iska iibiso Ivan Perisic


Himilo FM – Inter Milan ayaa dooneysa inay wadahadalo la furto Manchester United oo ku aadan saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Ivan Perisic, sida laga soo xigtay warbixino.

Red Devils ayaa dooneysay inay lasoo saxiixato xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia xagaagii lasoo dhaafay, kaliya qiimihiisa ayaa la sheegay  inuu si weyn u kordhay xiddiga ka soo muuqday kama danbeystiisa koobka Adduunka.

United ayaa la rumeysan yahay inay weli xiiso u qabto Perisic, inkastoo tababaraha Jose Mourinho uu bedelay Ole Gunnar Solskjaer bishii hore.

Tuttosport ayaa sheegtay in Inter ay dooneyso inay la soo wareegto dhowr waji oo cusub dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo laacibka Real Madrid ee Luka Modric uu bartilmaameed u yahay, sidaas darteed waxay isku diyaarisay  inay iska iibiso Perisic si ay uga caawiso inay suuqgal ku sameeyaan qarashaadka ay ka helaan.

29 jirkan,  ayaa  seddex gool iyo labo caawin ka sameeyay  horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, waxaana la ogsoonyahay  inuu qiimihiisa yahay 45 milyan ginni.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan