Himilo – Inter Milan ayaa ku guuleysatay saxiixa khadka dhexe ee Tottenham Hotspur Christian Eriksen iyada oo la gaartay heshiis.
Inkasta oo ay sameeyeen dadaal badan haddana Spurs ayaa aqbashay in kubad sameeyaheeda uusan dooneyn in uu cusbooneysiiyo qandaraaska uu kooxda ku joogo oo dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Xilli Manchester United iyo Real Madrid lala xiriiriyay ciyaaryahanka qaranka Denmark haddana Inter Milan ayaa u muuqata inay tahay halka uu u dhaqaaqi karo laacibka.
Sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, 27 jirka ayaa oggolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis afar sanno iyo bar ah oo uu ku joogayo kooxda reer Talyaani.
Si kasta, warbixinada ayaa tilmaamaya in Spurs ku dalbanayso ciyaaryahanka lacag dhan £17 Milyan.
Eriksen ayaa la soo wariyay in uu xiiseynayo ka tagista waqooyiga London kahor dhammaadka bishan Janaayo.