Home / Cayaaro / Inter Milan oo indhaha ku heysa Pierre-Emerick Aubameyang

Inter Milan oo indhaha ku heysa Pierre-Emerick Aubameyang

Himilo- Kooxda Inter Milan ayaa dalab u diri doonto weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang marka la gaadho suuqa kala iibsiga bisha January.

Xiddiga reer Gabon, oo qandaraaskiisu uu dhacayo 2022, ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Emirates xagaaga.

Real Madrid, oo hadda raadineysa bedelka Karim Benzema, ayaa la sheegayaa inay si weyn u muujiyeen xiisaha ay u qabaan helitaanka adeega Aubameyang xagaaga soo aadan.

Sikastaba, sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb, Tababaraha Inter Antonio Conte wuxuu taageere weyn u yahay Aubameyang wuxuuna isha ku hayn doonaa xaalada ciyaaryahanka kahor bisha Janaayo.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay inaysan jirin fursad Aubameyang uu qalinka ugu duugay heshiis cusub naadiga ka dhisan waqooyiga London hadii Unai Emery uu sii wato shaqada tababarenimo.

Kadib go’aankii uu weeraryahanku dib ugu dhigay wadahadalada qandaraaska, ayaa waxaa la sheegayaa inuu sikastaba uga tagayo Arsenal hadii ay ku guuldareystaan inay gaaraan afarta sare.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan