Home / Cayaaro / Inter Milan oo isha ku heysa xiddig katirsan Man United

Inter Milan oo isha ku heysa xiddig katirsan Man United

Himilo -Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Nemanja Matic ayaa ah mid diiradda u saaran xagaagan suuqa kala iibsiga Inter Milan.

Matic ayaa 87 kulan u saftay intii lagu jiray labadii sanno ee uu joogay Old Trafford, oo 63 ka mid ah uu ku soo billowday Premier League, inkastoo 30 jirkan uu ku dhibtoonayay qaab ciyaareedkiisa bilihiii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in xiddiga reer Serbia uu soo jiitay kooxda Serie A, gaar ahaan tababare Antonio Conte oo uu kasoo hoos  shaqeeyay xilligii uu joogay Chelsea.

Sida laga soo xigtay ESPN, Inter ayaa diyaar u ah inay 10 milyan oo ginni  oo lagu daray  Radja Nainggolan inay bixiso  si ay u hesho Matic, kaasoo  heysta labo sanno oo ka haray qandaraaskiisa.

Nainggolan ayaa lix gool ka dhaliyey 29 kulan oo Serie A ah intii lagu jiray ololihii ugu danbeeyay, lakiin ciyaaryahanka reer Belgium uma maleynayo inuu beddali doono Matic.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan