Home / Cayaaro / Inter Milan oo iska diiday saxiixa Mesut Ozil
LONDON, ENGLAND - DECEMBER 13: Mesut Ozil of Arsenal during the UEFA Europa League Group E match between Arsenal and Qarabag FK at Emirates Stadium on December 13, 2018 in London, United Kingdom. Photo by James Williamson - AMA/Getty Images)

Inter Milan oo iska diiday saxiixa Mesut Ozil

Himilo FM –Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay u sheegtay Arsenal in aysan xiiso u qabin saxiixa Mesut Ozil.

Arsenal ayaa Ozil ka heshay qandaraas cusub oo muddo dheer ah 12 billood kahor laakiin kubad sameeyaha ayaa ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho tan iyo markii uu yimid Unai Emery.

Gunners ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay iska iibiso xiddigan kaasi oo hadda loo arko in uu yahay dooq aan looga baahneyn garoonka Emirates. Waxa uu 30 jirkan Arsenal ka qaataa isbuucii lacag dhan 350 kun ginni.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Inter Milan ayaa la siiyay fursad ay Ozil ugu soo iibsan laheyd lacag yar, iyadoo Arsenal ay bixineyso qeyb ka mid ah mushaarkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintan ayaa sheegeysa in Inter aysan ku faraxsaneyn suurta galnimada inay Ozil ku soo daraan ciyaartoydooda koowaad dhammaadka xilli ciyaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan