Himilo FM –Inter ayaa xaqiijisay in tababaraha kooxda Luciano Spalletti inuu ka tagay kooxda maalmo yar ka dib markii uu geeyay Nerazzurri kaalinta afaraad ee horyaalka Serie A iyo Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.
Spalletti ayaa tagay San Siro xagaagii 2017-ka dib markii uu dhameystay qandaraaskiisii labaad ee kooxda Roma. Dhamaadka xilli ciyaareedkii koowaad waxa ay aheyd mid ku dhameysatay kaalinta afaraad, waxaana ay kooxda ku soo laabatay Champions League markii ugu horreysay muddo lix sanno ah.
Laakiin Inter ayaa haatan xaqiijisay in 60 jirkan uu ka tagay booskiisa maamul islamarkaana uusan kooxda hoggaamin doonin xilli ciyaareedkiisa seddexaad.
Bayaan ay soo saartay subaxnimadii maanta ayaa lagu sheegay in kooxda Internazionale Milano ay ku dhawaaqday in Luciano Spalletti uusan laheyn booska tababaraha kooxda koowaad.
Tababarihii hore ee Chelsea Antonio Conte ayaa lagu wadaa inuu ka beddelo 60 jirkan San Siro.
Inter waxay filayaan inay sameeyaan xagaagan dib isku dhis wayn madaama ay doonayaan inay dib ugu soo celiyaan kooxda magaca weyn ee ay ku lahayd kubada cagta Yurub.
Kooxda ayaa si aad ah loola xiriirinayay xiddigo dhowr ah , sida Gareth Bale, Alexis Sanchez iyo Romelu Lukaku.