Muqdisho – Inter Milan ayay wlasoo warinayaa in ay tahay kooxda xiisaha ugu badan u qabta ciyaaryahanka qadka dhexe ee Arsenal, Mesut Ozil.
Wax ka yar hal sano ayaa kaga harsan heshiiska uu ku joogo Emirates Stadium, warar soo baxayey horraanti sanadkan ayaa sheegayey in laacibkan uu qandaraaska u kordhin doono Gunners, hayeeshe middaas waxaa ka dhaga adeegay Ozil.
Manchester United ayaa lala xirririyaa iyana xiddigan heerka caalami ee Jarmalka laakiin sida ay warineyso London Evening Standard, Inter ayaa hoggaanka u heysa loolanka loogu jiro laacibkan.
Kooxda reer Italy ayaa dooneysa in ay sida ugu macquulsan usoo xera-galiso Ozil bisha January, United waxa ay dooneysaa in ay laacibkan soo qaadato marka uu dhamaado xagaagan si bilaash ah, laakiin Arsenal ayaa laga yabaa intii uu bilaash kaga bixi lahaa dhammaadka sanadkan in ay bartamaha xagaagan ka iibiyaan kooxda Talyaaniga.
Madaxweynaha Inter, Erick Thohir ayaa ku adkeysana in Ozil uu lasoo wareegi doono bartamaha xagaan.
Kooxda Turkish-ka ah ee Fenerbahce ayaa sidaas oo kale xiise u qabta Ozil oo ah xiddiga asal dhalashadiisu tahay Turkish.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.