Himilo – Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay u bandhigeyso ciyaaryahanka Tahith Chong qandaraas 5 sanno ah iyada oo rajeynaysa inay la saxiixto laacibka si ay uga adkaato kooxaha Barcelona iyo Juventus oo doonaya.
20 jirka ayaa toddobo kulan u saftay kooxda Man United xilli cayaareedka 2019-2020. Waxaa ku jiray kulamo horyaalka Ingiriiska ah oo uu kahor yimid kooxaha Leicester City iyo Newcastle United.
Qandaraaska cayaaryahanka reer Netherlands ee Old Trafford ayaa dhacaya dhammaadka bisha June inkasta oo uu heshiis cusub u saxiixi karo kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer.
Chong ayaa hadda xur ah in uu wadahadallo la furo kooxo badan iyada oo Barcelona iyo Juventus si weyn loola xiriiriyay.
Si kasta, marka la eego Daily Mail, Inter ayaa u muuqata inay bixinayso dadaal badan si ay cayaaryahanka u keento garoonka San Siro.