Home / Cayaaro / Inter Milan oo u dhaqaaqi karta Anthony Martial

Inter Milan oo u dhaqaaqi karta Anthony Martial

Himilo – Inter Milan ayaa la soo warinayaa inay dooneyso weeraryahanka Manchester United Anthony Martial xagaagan.

Laacibka 24 jirka ah ayaa ku jira bandhig wanaagsan ol-olaha 2019-2020 isaga oo dhaliyay 14 gool 30 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Inter ayaa weynaysa Lautaro Martinez dhammaadka xilli cayaareedkan iyada oo Barcelona u aragto cayaaryahanka reer Argentine beddalka Luis Suarez.

Sida laga soo xigtay Tuttosport, kooxda reer Talyaani ayaa soo saartay liiska weeraryahanno xilli Martial uu noqday saxiix macquul ah oo uu qaadan karo tababare Antonio Conte.

Inter ayaa heshiisyo kaga qaadatay Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez Man United inkasta oo Sanchez uu heshiis ammaah ah ku joogo San Siro islamarkaana uu ku laaban doono England xagaagan.

Martial ayaa heysta qandaraas uu ku sii joogi karo garoonka Old Trafford illaa June sannadka 2024-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan