Himilo – Inter ayaa wadahadallo adag kula jirta Sandro Tonali, laakiin dalabkooda 35-ta milyan euro ayaa weli ah meel fog oo ka baxsan qiimaha 50-ka milyan euro oo ay dooneyso Brescia.
Agaasime Beppe Marotta ayaa mashquul ku ah bishaan, madaama uu soo qaadanyo Achraf Hakimi oo kaga imaanaya Real Madrid qiimo dhan 40 milyan oo euro oo lagu daray gunnooyin.
Sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, Nerazzurri ayaa ah kooxda ugu cadcad inay la wareegaan xiddiga heerka caalami ee dalka Talyaaniga ee Tonali xagaagan.
Juventus ayaa u weecatay doonista Arthur Melo, halka Milan iyo Roma aysan awoodi karin 20 jirka tayada leh kaasi oo doonaya inuu sii joogo Italy.
Waxaa lagu soo waramayaa maanta in dalabka miiska ee Tonali uu yahay 30 milyan euro oo lagu daray € 5m oo dheeri ah oo la xiriira waxqabadka, halka Brescia ay dooneysa 50 milyan Euro.