Shirkadda Apple oo taleefanada cusub ee Iphone15 gaarsiisay inkabadan 40 dal oo caalam-ka. noocada cusub ee shirkadda Apple oo dunida oo dhan laga sugaye ayaa soo gaaray suuqyada caalam-ka, illaa hada dalalka uu gaaray waxaa kamid ah US, the UK, India, Germany, Japan, China iyo UAE.
Suuqyada magaalada Dubie dadku waxay ku jiraan safaf dhaadheer si ay uga mid noqdaan macaashiisa ugu horeysa ee Iphone15 qaata.
Noocyada iphone15-ka la soo saaray waxaa kamid ah iPhone 15, iPhone 15 Plus, iPhone 15 Pro, iyo iPhone 15 Pro Max. noocyadan waxay ku kala duwan yihiin GB-ka iyo midabyada, GB-da ayaa kala ah 128GB, 256GB iyo 512GB
Haatan waxaa suuqyada soo gaaray dalabaadka hordhaca ah, balse wajiga labaad ayaa lafilayaa in uu suuqyada caalam-ka soogaaraa dabayaaqada bisha October illaa bartamaha bisha November.
qiiyaha uu suuqa ku soogaray iphone15 pro waa $1,099 halka iphone 15 pro max oo suuqa ku soo galay $1,199.
Shirkada Apple oo kamid ah shirkadaha electoroniga soosaara waxaa la aasaasay April 1, 1976, xaruunta lagu aasaasana waa California, Mareykan-ka.