Isbeddel aad u weyn ayaa ku yimi qiimaha khudaarta Suuqyada magaalada Muqdisho tan iyo billowgii Bishan Ramadaan.
Suuqyada Khudaarta ayaa lagu arkayaa dad aad u badan oo ka cabanaya qiimaha sare u kacay ee noocyada khudaarta.
Fa’isa Cali; waxaa ay ka mid tahay Haweenka ka ganacsada Khudaarta waxaana ay Radio Himilo u sheegtay sababaha sare u qaaday qiimaha Khudaarta.
Waxa ay sheegtay in Soonka ay is beddeshay maciishadda,Basasha oo Kiiladii 12,000shs gadi jiray waxaa ay gaartay 20,000 sida ay sheegtay.
Qaraha ama Xabxabka ayey sheegtay in markii hore la iibin jiray $2.5 ilaa $3 d00lar maantase waxaa uu marayaa $4doolar.
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/479279557646985