Home / Cayaaro / Isco oo baaqi ku ahaanaya kooxda Real Madrid

Isco oo baaqi ku ahaanaya kooxda Real Madrid

Himilo FM –Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Isco ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday sii joogista kooxda  Real Madrid.

Isco ayaa inta badan xilli ciyaareedkan kursiga keydka ku qaatay iyadoo kubadsameeyaha uusan jeclaysan tababarahii hore ee Santiago Solari.

Si kastaba ha ahaatee, Isco ayaa ku soo laabtay kooxda tan iyo markii la magacaabay Zinedine Zidane, waxaana ay u muuqataa inay keentay in 26 jirkan uu ku faraxsan yahay nolosha Bernabeu. Sida laga soo xigtay Marca, Isco ayaan haatan dooneynin ka hayaamista Los Blancos.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Zidane uusan weli cadeynin in uu doonayo in uu Isco sii joogo kooxdiisa laakiin ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa doonaya inuu muujiyo in uu diyaar u yahay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda.

Isco ayaa weli heystaa seddex sanno ka hartay qandaraaskiisa Los Blancos.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan