Home / Habka-Nolosha / Isco oo heshiis cusub la galaya Real Madrid.

Isco oo heshiis cusub la galaya Real Madrid.

Muqdisho – Madax-weynaha kooxda Real Madrid, Florentino Perez ayaa sheegay in kooxdu ay ku dhawaaqi doonto dhawaan heshiiska ciyaaryahanka qadka dhexe ee Isco oo u dhashay waddanka Spain.

Isco ayaa diiradda u saarnaa labada kooxood ee  Manchester United iyo Tottenham Hotspur, halka heshiiska uu hadda kula joogo Real uu ka harsan yahay wax ka yar hal sano.

Si kastaba, kubad sameeyahan ayaa si joogto ah loogu daray kooxda koobaad ee Real, Perez ayaana aaminsan in xiddigan uu muhiim u yahay naadigiisa.

Perez ayaa u sheegay Cadena SER: “Isco wuxuu yimid halkan isaga oo ah mid aad u yar, waxaana uu sameeyay wax walba oo horumar ah, wuxuu haatan u ciyaarayaa si wanaagsan.”

“Waxan ku dhawaaqi doonnaa heshiiska ciyaaryahankan maalmaha so aadan.”

Tan iyo markii uu kusoo biiray Real sanadkii 2013, Isco waxa uu dhaliyay 34 gool isaga oo sameeyay 187 kulan.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan