Home / Habka-Nolosha / Isreebreebka Ciyaaraha Koobka Aduunka Iyo Halka La Kala Marayo.

Isreebreebka Ciyaaraha Koobka Aduunka Iyo Halka La Kala Marayo.

Talyaaniga iyo Isbeyn waxa ay ku ciyaari doonaan Garoonka Juventus ee Magaalada Turin ee dhacda waqooyiga wadanka Talyaaniga.

hi-res-19f07c25920ff366079932ad8cbce266_crop_north

http://radiohimilo.so

Labadan dal ee iskula jira midowga Yurub  waxa ay miisaan culus ku leeyihiin ciyaaraha aduunka iyo kuwa qaaradaasba.

Waxa ay iskula jiraan labadan xul guruubka G waana markii labaad  ee ay isku soo aadaan ciyaaraha Koobka aduunka sanadka.

Xog Kooban Oo Ku Saabsan Ciyaarta Labadan koox:-

capture

http://radiohimilo.so

Date: Thursday, October 6

Time: 7:45 p.m. BST/2:45 p.m. ET

Venue: Juventus Stadium, Turin

Live Stream: ITV Hub (UK), Fox Soccer 2Go (U.S.)

Waxaa horey u dhacay ciyaaro xulal kala duwan ay yeesheen kuwaasi oo dhamaantood u tartamaya inay u soo baxaan ciyaarada aduunka.

Xulka South Korea ayaa 3 – 2 uga badiyey xulka Qatar sidoo kale xulka China ayaa 0 – 1 waxaa uga badisay xulka dalka Syria, xulka Japan ayaan dhankiisa 2 – 1 ku garaacay xulka Iraq.

Waxaa meelo kala duwan si hab sami leh uga socda ciyaaraha isreebreebka koobka oo lagu madalsan yahay in lagu qabto wadanka Ruushka.

Waxaa kale oo is arki doona xulalka dalalka Austria – Wales,Ireland – Georgia, Moldova – Serbia waxaana lagu wadaa iney soo bandhigaan ciyaaro wanaagsan.

Dalka Ruushka ayaa dhankiisa isku diyaarinaya hagaajinta garoomada ciyaaradaha lagu qaban doono waxaana dalkaas tagay shaqaale.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan