Dowladda Itoobiya ayaa jebisay Rikoorka geed tallaalidda halka maalin oo ay isla iyada iska jebisay kaddib markii ay hal maalin dadka Itoobiya ku tallaaleen 566Milyan oo Geed.
Sidan oo kale ololahan kii ka horreeyay Itoobiya waxaa ay ku tallaashay maalin qura 500Milyan oo Geed gobollada dalka itoobiya oo dhan.
In kabadan 34Milyan oo qof oo Itoobiyaan ah kana kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qeyb qaatay ololaha Itoobiya cagaaran.
Qorshaha waxaa uu yahay in Itoobiya kaliya tallaasho 6Bilyan oo Geed halka dalalka deriska la ahna la qorsheeyay in lagu tallaalo 1Bilyan oo Geed.
Ujeedad ayaa lagu sheegay la dagaallanka Cimillada sii kululaanaya iyo ka hortagga wasaqowga Hawada Waddamada Geeska Afrika.
Ololahan waxaa ku dhawaaqay Urur Goboleedka IGAD,waxaana si mugleh u hirgelinaya hadda dalka Itoobiya oo isagu ku guuleystay in uu tallaalo wax ka badan hal bilyan oo Geed.









Isha: xogta iyo sawirrada OBN