Himilo –Kooxda Bayern Munich ayaa heshiis ammaah hal sanno ah kula soo saxiixatay xiddigii hore ee Borussia Dortmund iyo Wolfsburg Ivan Perisic oo uga yimid kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.
Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Croatia, oo la qaaday Bundesliga kooxda Dortmund sannadkii 2012-kii isla markaana kula soo guuleystay labo jeer koobka DFB inta lagu guda jiray waayihiisii ugu horreeyay ee Jarmalka, ayaa xoojinaya xulashooyinka weerarka kooxda Bayern maalmo ka hor billowga ololaha cusub ee Bundesliga.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku soo noqdo Jarmalka ,” ayuu yiri Perisic oo qalinka ku duugay heshiiskiisa Bayern ee maalintii Isniinta ka dib markii uu si guul leh uga soo gudbay tijaabada caafimaadka.
30jirka Perisic wuxuu 18 billood la qaatay Dortmund laba sanno iyo bar Wolfsburg ka hor inta uusan Jarmalka kaga dhaqaaqin Talyaaniga xagaagii 2015.
Sannadkii hore, wuxuu ka caawiyay Croatia inay ku dhammeysato kaalinta labaad ee Koobka Adduunka ee FIFA 2018, isagoo dhaliyay goolka guushii semi-finalka ee ay ka gaareen England iyo guuldarradii finalka ee France.
Waxa uu sidoo kale ka hoos shaqeeyay macallinka Bayern Niko Kovac markii uu macallin u ahaa Croatia intii u dhaxeysay 2013 illaa 2015.
Perisic wuxuu saftay guud ahaan 112 kulan oo Bundesliga ah, isagoo dhaliyay 27 gool, intii u dhaxeysay 2011 iyo 2015, markii uu u dhaqaaqay Milan. Waxa uu illaa iyo haatan u ciyaaray Serie A 163 jeer waxa uuna dhaliyay 40 gool.
Perisic, oo heshiiskiisa ammaahda uu ku jiro ikhtiyaar iibsasho, ayaa ah saxiixii afaraad ee xagaaga kooxda Bayern ka dib Lucas Hernandez, Benjamin Pavard iyo Fiete Arp.