Home / Habka-Nolosha / Ivan Perisic oo maalmaha soo socda ku biiri kara Manchester United.

Ivan Perisic oo maalmaha soo socda ku biiri kara Manchester United.

Muqdisho – Xiddiga diiradda u saaran kooxda Manchester United, Ivan Perisic ayaa lasoo warinayaa inuu u dhaqaaqi doono garoonka Old Trafford, iyada oo kooxda Talyaaniga ee Inter Milan ay xiddigan u fasixi doonto in uu ku biiro Red Devils.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in laacibkan garabka ka weerar-taga uu isagu dardar galinayo in laga iibiyo kooxda United-ka.

Starsport ayaa ogaatay in United iyo Inter ay iskugu imaan doonaan wadahadal si la is kugu afgarto xiddiga diiradda u saarnaa Manchester tan iyo dhamaadka xagaagii hore.

Si kastaba, kooxda Talyaaniga ayaa ka warsugi doonta dalabka cusub ee Red Devils, iyada oo laxasuusto in ay horay usoo diiday dalabkii hore ee Manchester United.

Wararka ka imaanaya Italy ayaa sheegaya in United ay dardar-galin doonto saxiixa laacibkan, waxayna dhagta ku haysaa damaca ay kooxda Inter Milan ku doonayso in heshiiskan qayb lagaga dhigo laacibka garabka Manchister ka ciyaara ee Anthony Martial.

Nemanja Matic ayaa kusoo biiray Manchester United isga oo ka yimid Chelsea – laakiin Mourinho ayaa doonaya ugu yaraan labo xiddig oo kale oo uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Sida ay warinayso La Gazzetta Dello Sport, Croatia-kan heerka caalami ayaa u wareegi doona Manchister United maalmaha soo socda.

Wargeysyada ayaa tabiyay in Inter ay laacibkeeda uga samri karto kaliya £40 milyan oo gani  una diganta €45 milyan oo Yuuro.

Si lamid ahna waxa ay dalbadeen in heshiiska qeyb lagaga dhigo Martial loona oggolaado hal sano oo amaah ah.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan