Home / Habka-Nolosha / Ivanovic oo ka walaacsan mustaqbalkiisa Chelsea

Ivanovic oo ka walaacsan mustaqbalkiisa Chelsea

Muqdisho – Bandhig ciyaareedkii ugu danbeeyey ee Branislav Ivanovic ku sameeeyo maaliyadda Chelsea ayaa la tilmaamayaa inay tahay gabagabada ciyaarihiisa gegida Stampford Bridge.

Ivanovic oo muddo 9 sanadood ah ku sugan Chelsea ayaa shaki ka qaba mustaqbalkiisa naadiga Blues-ka kadibkii markii uusan helin xiiso dheeri oo macalin Conte ku muujiyo haddii laacibkani uu sii joogi karo iyo in kale. Hayeeshe bilihii dhawaa ayaa Ivanovic waxaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Zenit.

Macalin Conte ayaa yiri: “Way adag tahay inaad go’aan sameyso, hayeeshe waa inaan qadarinno go’aanka ciyaartoydeenna,”

“Branislav Ivanovic waa ruug-cadaa Chelsea ah. Muddo ayuu halkan ka ciyaaray: kulana guuleystay kooxda koobab badan. Xagaagan uma ciyaarin sidii uu beri hore u ciyaari jiray. Waa inaan sugnaa marka maalmaha xiga si aan u aragno.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan