Home / Cayaaro / Iwobi “Waxaan doonayaa in aan masuuliyad badan ku qaado Everton.”

Iwobi “Waxaan doonayaa in aan masuuliyad badan ku qaado Everton.”

Himilo – Alex Iwobi ayaa shaaca ka qaaday inuu rajeynayo inuu qabto door muhiim ah mudada uu joogo Everton.

Xiddiga khadka dhexe ayaa isku diyaarinayay ololaha cusub ee Arsenal markii Everton ay ku guuleysatay dalab weyn oo ay ku dooneysay saxiixiisa 24-kii saacadood ee ugu dambeysay suuqa kala iibsiga.

Isaga oo loo tixgeliyay inuu xubin ka yahay kooxda Gunners, Iwobi wuxuu qirtay inuu doonayo inuu siiyo mas’uuliyad dheeri ah ka dib markii lagu dhiirigeliyay inuu u dhaqaaqo kooxda Marco Silva.

23 sanno jirkan ayaa u sheegay shabakadda rasmiga ah ee kooxda “Dalabku aad ayuu ii soo jiitay, tababaraha ayaa ii sheegay: “Meeshu boos ayaad ka heysaa, waan ku daryeeli doonnaa, waxyaabaha aad rabto inaad maqasho ciyaartoy ahaan.”

 “Waxaan mar walba lahaan jiray magaca da ‘yarta  Arsenal, marka waxaan rajeynayaa inaan  taariikh ku abuuro Everton. ”

Iwobi ayaa dhaliyay 11 gool 70 kulan oo uu ku soo billowday iyo 30 kulan oo uu beddal ku soo galay Arsenal Premier League.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan