Home / Habka-Nolosha / Iwobi: “Waxan Wenger ku caawinaynaa inuu xagaaga xiga ku guuleysto horyaalka PL.”

Iwobi: “Waxan Wenger ku caawinaynaa inuu xagaaga xiga ku guuleysto horyaalka PL.”

Muqdisho – Macalin Arsene Wenger waxaa Mr. Arsenal u tix-gelinaya Alex Iwobi – isaga oo sheegay in lagu garab siinayo hanashada koobka horyaalka England PL.

Macalinka Faransiiska ayaa xagaagii hore u ahaa mid aan xasilneyn – waxaana hareeyey dibad-baxyo looga soo horjeedo joogitaankiisa naadiga xilli uu 21 sano ku sugnaa gegida kooxda.

Wenger ayaa markii ugu horreysay lumiyay kamid noqoshada tartanka Champion League, wuxuuse ku guuleystay inuu kooxda gacanta u geliyo koobka FA Cup-ka.

Hadda wuxuu toddobaadkii hore saxiixay heshiis laba sano ah.

Iwobi ayaana heshiiskan kusoo dhaweeyey neecaw macaan xilli Arsenal isku diyaarinayso inay ku guuleysato horyaalka PL England oo aysan dib u arag taniyo sanadkii 2003-2004.

Xiddiga reer Nigeria ayaa u sheegay The Sun: “Waxaan ku garab taaganahay macalin Wenger inuu ku guuleysto horyaalnimada England PL.”

“Majiro doono hal laacib oo aan u diriri doonin sidii Macalin Wenger uu ugu guuleysan lahaa horyaalka.”

“Waxaan ku faraxsanahay inuu yahay Mr. Arsenal. Wuxuu kooxda ka dhigay naadi fac weyn.”

Iwobi ayaa intaas kusii daray: “Nasiib-wanaag, macalinku muusan dhadhamin horyaalka taniyo sanadkii 2004, balse fiiri wixii kale oo uu ku guuleystay.”

“Xittaa toddobaadkii hore, wuxuu noqday macalinka 7 jeer ku guuleysta koobka FA Cup-ka. Waan ku niyadweynahay inuu joogiyo. Waana mid u fiican naadiga iyo ciyaartoyda.”

Iwobi ayaa xagaagan dhamaaday kooxda u saftay 38 kulan dhamaan intii ay ciyaartay – isaga oo u dhaliyay afar gool.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan