Muqdisho – Shirkad ku taalla magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa soo saartay jaakad cusub taas oo dadka dawarsada ama tuugsada u fududeyneysa in lacag loogu deeqi karo qaab ATM ama iyaga oo kaarka bangiyada lamarinayo dalool yar oo jaakadda ku sameysan.
Sanadihii dhawaa, dawarsadayaasha ayaan helin kaalmo iyo siismo dheeraad ah maadaama ay badi dadku lacagaha ku qaataan kaarar-ka bangiyada oo aysan jeebka intooda badan ku sidan jajab.
Carsten van Berkel iyo Stefan Leendertse oo u dhashay Netherlands ayaa keenay fikirkan xalka u noqday in lagu caawiyo dadka nasiibka yar.
Waxay jaakado farsameysan oo leh dalool lamariyo kaararka bangiyada usoo saareen dadka tuugsada iyo kuwo dibjirta ah ee gidaarrada hoyda.
Qofka mariya jaakadda kaarkiisa waxaa ka go’aysa lacag yar oo aan dhameyn 1.5$ oo u go’aysa qofka xiran ee dawarsadaha ama dibjirka ah.
Jaakadda ayaa sidoo kale leh waxa la yiraahdo ‘card reader’ u sahla qofka xiran uu fahmi karo sida loo adeegsado.
Hadda marka qofku rabo inuu lavcag ku deeqo qofka miskiin ah, waxa kaliya ee uu sameynayo ayaa ah inuu ilbiriqsi kaarkiisa mariyo daloolka jaakadda.
Jesse Bakker oo ah ninka hal-abuurkan iska leh ayaa sheegay inay tani faa’iido u tahay dadka hooseeya ee bulshada ka tirsan maadaama ay lacagtoodu si nabad-gelyo leh ugu dhacayso bangiga.
“Uma baahnid oo kaliya inaad lacag caddaan ah ku sinto gacanta tuugsadaha. Waxaad kale oo aad awoodaa inad kaarkada u mariso jaakadiisa oo lacagtaad la rabtana ugu dhacdo akoonkiisa bangiga,” ayuu yiri Bakker.
“Lacagta waxay u adeegsan karaan inay hu’, ama hunguri ku iibsadaan, iskagana dhiibaan qubeyska.”
“Dibjirka raba inay noloshooda hagaajiyaanna, waxay awoodaan inay lacagtooda keydsadaan oo ay noloshooda hadhow isku filnaadaan – iyaga oo shaqo iskaga diiwaan-gelin kara ama guri ku kireysan kara. “