Home / Habka-Nolosha / Jaamacadaha ugu wanaagsan carabta oo liis laga soo saaray

Jaamacadaha ugu wanaagsan carabta oo liis laga soo saaray

Himilo FM –Jaamacadaha Sacuudiga ayaa soo galay kaalmaha ugu horreeya jaamacadaha ugu wanaagsan ee carabta marka la eego qiimeyn la soo saaray sannadkan 2019.

Sida laga soo xigtay hay’adda Times Higher Education, labo jaamacadood oo Sacuudiga ku yaalla ayaa yimid kaalmaha koowaad iyo seddexaad ee jaamacadaha ugu wanaagsan dalalka carabta.

Sanandkii seddexaad oo xiriir ah ayay jaamacadda King Abdulaziz University noqonaysaa tan ugu wanaagsan carabta.

Labo kamid ah jaamacadaha Imaaraadka ayaa soo galay liiska 5-ta jaamacadood ee ugu horreeya dalalka carabta.

Waxaa laga qiimeynayay jaamacadaha daraasaadka ay sameeyaan iyo kharashka lagu bixiyo intaba.

Jaamacadaha ugu horreeya dalalka carabta

1- King Abdulaziz University

Waxaa jaamacadan oo la furay sannadkii 1967-dii loogu magac daray aas-aasihii Sacuudiga. Jaamacadda ayaaa bixisa waxbarasho lacag la’aan ah iyadoo ardayda qaar deggan yihiin dhismaha jaamacadda oo markii hore loo diyaariyay.

2- Khalifa University

Waxay ku taalla Abu Dhabi iyadoo xarumo kale ku leh Sharjah. Waxaa la aas-aasay sannadkii 2007-dii. Waxay leedahay kulyado kala duwan oo ay bixiso jaamacadda.

3- Alfaisal University

Waxaa la furay sannadkii 2002-dii. Waa jaamacad si gaar ah loo leeyahay oo ku taalla magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga. Ardayda qaar ee jaamacadda waa ajaanib.

4- Jordan University of Science and Technology

Jaamacadan oo ay taageerto dowladda Jordan ayaa ku taalla waqooyiga dalkaasi iyadoo leh 12 kulyad oo ka bilaabanaya caafimaadka illaa fanka iyo seyniska. Waxaa la aas-aasay sannadkii 1986-dii si wax loogu baro  shaqaalaha gudaha laakiin waxay markii danbe soo jiitay ardayda caalamiga ah.

5- United Arab Emirates University

Waxaa la furay sannadkii 1976-dii. Waxaa lagu tiriyaa inay tahay jaamacadda ugu faca weyn Imaaraadka carabta. Arday ka socota 7-da gobal ee Imaaraadka iyo 59 dal ayaa wax ka dhigta. Sannad waxbarasheedkii 2016/2017, ardayda wiilasha ee jaamacadda ayaa noqday 19% halka gabdhaha noqdeen 81%.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan