Home / Arrimaha Bulshada / Jaamacadda Muqdisho oo Heshiis Is-af-garad ah la Saxiixatay ARIJ.

Jaamacadda Muqdisho oo Heshiis Is-af-garad ah la Saxiixatay ARIJ.

Himilo – Jaamacadda Muqdisho qeybta saxaafadda, ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay ARIJ (Arab Reporters for Investigative Journalism).

Heshiiskan is-af-garadka ah ayaa tilmaamaya bilowga xiriir iskaashi oo dhex mara labada hay’adood, kaas oo diiradda saari doona kor u qaadidda xirfadaha ardayda Jaamacadda iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku jira goobta shaqada.

Ujeeddada heshiiskaan is-af-garadka ah waa in la horumariyo tayada waxbarashada saxaafadda iyo tababarada xirfadeed ee la xiriira baaris madaxbanaan iyo dabagalka xaqiiqooyinka.

Hay’adda ARIJ ayaa bixin doonta taageero farsamo iyo tababarro ku saabsan baarista madaxbannaan iyo saxaafadda xogta, taas oo ardayda iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed siin doonta fahanka iyo aqoonta ay u baahan yihiin si ay u soo saaraan warbixinno dhexdhexaad ah oo tayo leh.

Madaxa Taqasuska Saxaafadda ee Jaamacadda Muqdisho, Mudane Shafici Ibrahim, ayaa yiri “Heshiiskan wuxuu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan bixinno waxbarasho saxaafadeed oo tayo leh oo ku salaysan cilmi-baaris iyo hubinta xaqiiqooyinka. Iskaashiga ARIJ wuxuu xoojin doonaa awoodda ardaydeenna iyo suxufiyiinta mustaqbalka, iyadoo la siinayo fursado ay ku horumariyaan xirfadahooda si waafaqsan heerarka caalamiga ah.”

Heshiiskan is-af-garadka ah wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Jaamacadda Muqdisho ay ku doonayso in ay kor u qaaddo heerka saxaafadda Soomaaliyeed iyadoo loo marayo waxbarasho tayo leh iyo tababaro xirfadeed.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan