Home / Caruurta / Jabaan: Carruurtii ugu tirada yareyd ayaa ku dhalatay 2019

Jabaan: Carruurtii ugu tirada yareyd ayaa ku dhalatay 2019

Tirakoobyadii ugu danbeeyay ee laga sameeyo Jabaan ayaa muujiyay hoos u dhac laga walwalo oo ku saabsan dhalashada carruurta xilli dalka dhaca Asia uu qaaday tallaabooyin lagu dhiira gelinayo dhalmada.

Sida lagu qoray bogga Jaban, 864,000 cunug ayaa ku dhashay Jaban sannadka dhammaadka ah. Waa markii ugu horreysay oo tirada dhalashada sannadlaha ee dalka ka hoos marto 900,000 tan iyo tirakoobkii la sameeyay sannadkii 1899-kii.

Tirada dhimasha dadka Jabaan ayaa la filayaa inay ka sarro marto heerka dhalashada, waana midda abuureysa walaaca ku aadan kororka dadka da’da ah.

Khubarada dalka ayaa qaba inay tani khatar ku tahay awooda dhaqaale ee Jaban oo u baahan shaqaale da’yar ah.

Xukuumadda Jabaan ayaa aaminsan in tirada shacabka dalka hoos uga dhici doonto 16 Milyan 25-ka sanno ee soo socota.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan